Site icon Radio Risaala: Somali News Online

Shabaab oo sheegtay in ay la wareegeen Degmada Afgooye

Al-shabaab ayaa war ay ku soo qoreen Baraha ay ku faafiyaan wararkooda waxa ay ku sheegteen in ay la wareegen Degmada Afgooye, inkastoo aysan jirin ilo madax banaan oo warkaasi xaqiijinaya.

Shabaab ayaa sheegtay in ay si gaar ah ula wareegeen saldhiga Degmada afgooye xarunta Degmada iyo goobo kale.

Wariyaha Risaaala ee Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa soo sheegaya in weli uu socdo Dagaal u dhaxeeya Ciidanka Dowladda iyo Al-shabaab.

Dadka Deegaanka ayaa Risaala u sheegay Dadkii ku dhaawacmay Dagaalkan in loo soo qaaday Magaalada Muqdisho si xaaladooda caafimaad daro wax looga qabto.

Exit mobile version