Site icon Radio Risaala: Somali News Online

Shabaab oo la wareegay Bud-bud

Bud-bud-RisaalaFM- Wararka inaga soo gaaraya Gobolka Galgaduud ayaa waxa ay sheegayaan in maanta barqadii si buuxda Al-shabaab ay ula wareegeen gacan ku haynta Deegaanka Budbud oo ka tirsan Gobolka Galgaduud, halkaasi oo xalay ay ku dagaalameen ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo Dagaalyahano ka tirsan Shabaab.

La wareegida Shabaabka ee deegaankan ayaa timid, kadib markii ciidamada Itoobiya ay isaga baxeen deegaanka oo ay u dhaqaaqeen dhanka Deegaanka Moqokori oo ka tirsan Gobolka Hiiraan.

Ciidamo badan oo Shabaab ka tirsan ayaa la sheegay in ay gudaha u galeen Deegaanka Budbud, sida dadka deegaanka ay xaqiijiyeen, waxaana xaalada deegaanka ay tahay mid degan.

Dagaalyahanada Shabaabka ayaa ku sugan Difaacyadii ciidamada Itoobiya iyo kuwa Dowladda ay ku lahaayeen deegaankan Budbud oo Qiyaastii 70-Km u jira Degmada Ceelbuur ee Gobolkaasi Galgaduud.

Al-shabaab ayaa ka bixitaanka ciidamada Itoobiya ee deegaanka Budbud waxa ay ku sheegeen in ay tahay, kadib markii ay kordhiyeen weerarada dagaalka ah ee ciidamada Shabaabka ku qaadayaan deegaankaasi.

Exit mobile version