Site icon Radio Risaala: Somali News Online

SAWIRRO: Madaxweyne Farmaajo oo gaaray Baydhabo

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafti balaaran oo uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaaalada Baydhabo ee xarunta maamulka Koonfur Galbeed, halkaas oo galinka dambe ee maanta la qorsheynayo in lagu qabto shirka goloha amniga qaranka oo saddexdii biloodba mar la qabto. Waxaana looga hadli doonaa xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan arrimaha Amniga iyo Siyaasadda.

Madaxweynaha iyo Wafdigiisa waxaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Baydhabo ku soo dhaweeyay ,Ra’iislu Wasaaraha Soomaaliya,madaxwaynaha maamulka Koonfur galbeed Mudane Shariif Xasan Shiikh Aadan, Guddoonka Baarlamaanka ee maamulka, Wasiiro, Xildhibaano iyo dhammaan qaybaha kala duwan ee bulshadda.

Sidoo kale shirka goloha amniga qaranka ayaa looga hadlayaa qorshaha lagu soo badhigi doono kulan ka qabsoomaya magaladda Brussles ee dalka Belguim, kaas oo la doonayo in lagu dajiyo qorshaha siyasadeed iyo amni ee dalka. Waxaana qayb ka ah dhammaan madaxda maamul goboleedyadda dalka iyo guddoomiyha gobolka.

Magaalada Baydhabo ayaa waxaa ku sugan inta badan Madaxda maamul goboleedyadda.

Exit mobile version