Site icon Radio Risaala: Somali News Online

SAWIRO: Musharrax madaxweyne danjire Daahir Geelle oo la kulmay Guddoomiyaha Golaha Shacabka

Musharrax madaxweyne danjire Dahir Mohamud Gelle ayaa galabta hambayo iyo salaan ugu tagay gudoomiyaha Golaha shacabka Sh Aaden Maxamed Nuur(Madoobe).

Kulan dhexmaray labada hoggaamiye ayaa looga hadlay dardargalinta doorashada Madaxweynaha Soomaaliya.

“Waxaan galabta booqasho hambalyo ah ugu tagay Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe). Waxaan u rajeeyay in uu Alle ku guuleeyo jihaynta iyo hoggaaminta golaha”ayuu yiri Danjire Daahir Geelle.

Musharax Madaxweyne Daahir Maxamuud Geelle ayaa ka mid ah musharaxiinta ugu cad cad ah xilka Madaxweynaha Soomaaliya.

Exit mobile version