Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa, intii lagu guda jiray Shirka 74aad ee Qaramada Midoobay, waxa uu wada hadallo kula yeeshay magaalada New York Madaxweynaha Jamhuuriyadda Turkiga Mudane Rajab Dayib Erdogan.
Labada Madaxweyne ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka taariikhiga ah ee Soomaaliya iyo Turkiya iyo sidii loo sii dardargelin lahaa iskaashiyadii hore uga dhaxeeyay labada dal.
Dhinaca kale Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaaraha Belgium Mudane Charles Michel ayaa yeeshay shir diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka labada dal, kaalinta Belgium ee dib u dhiska Soomaaliya iyo sidii Midowga Yurub u sii dardargelin lahaa taageerada uu ku bixiyo dowlad-dhisidda Soomaaliya.
Madaxweynaha ayaa weli waxaa uu kulamo kala duwan ka wadaa magaalada New York ee dalka Mareykanka halkaas oo uu uga qeyb-galayo Shirka 74aad ee Qaramada Midoobay.
