Siihayaha Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Guddoomiye ku-xigeenka maamulka iyo maaliyadda Gobolka Banaadir Ibraahim Cumar Mahad-Alla (Ibraahim Dheere) iyo Gudoomiye ku xigeen arrimaha Bulshada Gobolka Banaadir Basma Caamir Axmed (jakeetti) ayaa maanta si rasmi ah xarunta degmada Xamar Jajab ku daahfureen barnaamij uu maamulka degmadaas ku hirgalinayo diinwaan galinta aqoonsiga guryaha.
Barnaamijkan uu hirgaliyay maamulka degmada Xamar Jajab ayaa ah mid lagu xoojinayo diiwangalinta diriseenta iyo in dhisma kaste oo dagmadaasi ku yaalla loo sameeyo diiwaangalin sax ah iyo sidoo kale taargo lagu aqoonsan karo.
Tallaabadaan ayaa la sheegay in laga fulin doono dhamaan degmooyinka Gobolkan Banaadir,iyada oo qeyb weyn ay ka qaadan karto sugida Amniga Caasimadda soomalaiya ee Magalada Muqdisho.
