Site icon Radio Risaala: Somali News Online

SAWIRO:- Diyaarad Muqdisho ka qaaday Ciidamo ku biiraya howgallada ka dhan ah Al-Shabaab

Muqdisho waxaa ka ambabaxay Ciidamo katirsan Millateriga Soomaaliya, balse hab Beeleed loo abaabulay, kuwaas oo qeyb ka noqon doona howlgallada Al-Shabaab looga saarayo degmada Ceelbuur & degaannada Galhareeri & Wabxo.
Ciidamadaan ayaa waxaa Muqdisho ka sagootiyay Wasiirka Cadaaladda Xasan Macalin, Wasiirkii hore ee Warfaafinta Xildhibaan Mustaf Dhuxuloow, Xildhibaan Xuseen Iidow & Mas’uuliyiin kale.
Horay waxaa Magaalada Muqdisho diyaardo looga qaaday Ciidamo katirsan kuwa dowladda Soomaaliya, kuwaas oo la geeyay degaano katirsan Gobolka Hiiraan, si ay uga sii gudbaan Gobolka Galgaduud, isla markaana ay qeyb ka noqdaan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.
Exit mobile version