Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa Magaalada Beledweyne kusoo bandhigay waxyaabaha qarxa ka dib howlgal ay ka waddeen Saacaddihii ugu dambeeyay.
Taliska ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ee gobolka Hiiraan ayaa sidoo kale sheegay in ay toogteen ruux Miino ku aasaayay Xaafadda Howlwadaag ee Magaalada Beledweyne, islamarkaana ay gacanta ku dhigeen Waxyaabaha Qarxa.
Saraakiisha Ciidanka ayaa sheegay qoryo iyo rasaas ay kasoo qabteen guri ku yaalla Magaalada Beledweyne intii uu socday howlgalka.
Hubka ay soo bandhigeen ayaa waxaa ka mid ah ahaa Qori AK 47 ah oo la sheegay in uu watay ruuxa Miinadda Aasaayay.
