Site icon Radio Risaala: Somali News Online

SAWIRO:-Ciidanka Ilaalada wadooyinka oo Muqdisho ka bilaabay howlgal Cusub

Ciidamada ilaalada wadooyinka ee (taraafikada) ayaa waxaa wadooyinka Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya ka bilaabeen howlgallo lagu qadayo baabuurta sida qaldan laamiga loo dhigay.

Howlgalka oo ay horkacayaan saraakiil ka tirsan Ciidanka Nabadgelyada wadooyinka ee taraafikada ayaa waxaa lagu qaaday dhowr Gaadiid oo wadooyinka dhinacooda la dhigay, kuwaas oo oo aan u hoggaansamin amarkii kasoo baxay duqa Muqdisho.

Sidoo kale Ciidamada ayaa ku amrayay dadka ku nool magaalada Muqdisho in aysan Gaadiidkooda dhigin wadooyinka Magaalada, si loo xaqiijiyo amniga Magaalada Muqdisho oo maalmihii la soo dhaafay ahaa mid soo hagaagayay.

War kasoo baxay Taliska Qeybya Nabad gelyada Waddooyinka (Taraafiko) ayaa lagu sheeegay in la dardar geliyey gudashada waajibaadka qaran, isla markaana ay wadi doonaan  waxayhowlgalalda kala duwan ee lagu qaadayo baabuurta sida qaldan laamiga loo dhigay .

Dhawaan shir ay yeesheen Guddoomiyaha G/Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho, taliyaha Qeybta Nabad gelyada Waddooyinka (Taraafiko) iyo taliyaha Qeybta Guud ee Boliiska G/Banaadir ayaa lagu go’aamiyay in an la ogolaan gaadiidka sida qaldan loo dhigo laamiga.

Exit mobile version