Ciidamo ka tirsan Hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Soomaaliya ee NISA gaar ahaan kuwa howlgalada gaarka ah fuliya ee Duufaan ayaa howlgalo lagu xaqiijinayo amniga waxay ka fuliyeen deegaan hoos yimaado degmada Balcad iyo Magaalada Muqdisho
Howlgalka oo uu hoggaaminayo Taliye Bakaal Kooke oo ahaa Taliyihii xasilinta Gobolka Gedo, balse loo soo wareejiyay Magaalada Muqdisho ayaa waxaa laga fuliyay wadada xiriirisa Magaalada Muqdisho & degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha dhexe.
Ciidamada aya tuulooyinka qaar ee hoostaga degmada Balcad ee ku yaal Hareeraha laamiga waxaa ay ka sameeynayeen howlgallo Guri guri ah, iyaga oo saraakiisha Ciidamada ay sheegeen in ujeedkooda uu yahay sugida Amniga.
Wadada xiriirisa Magaalada Muqdisho iyo degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa waxa ka socda Dhismo, iyada oo dhismahaas ay amnigiisa sugayan Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska gaarka ah ee Haramcad.
