Wararka lag helayo Magalada Laas-Caanood ee Gobolka Sool ayaa waxaa ay sheegayaan in uu halkaasi ka dhacay dibadbax looga soo horjeedo Maamulka Soomaaliland,kaas oo ay dhigayeen qaar ka mid ah dadka ku nool Magaaladaas.
Banaanbaxayaasha ayaa waxaa ay ka carooday dil laba habeen ka hor Ciidamada Booliska Soomaaliland ay Magalada Laas-caanood ugu geysteen mid ka mid ah dadka Shacbaka ah ay ku nool halkaas, xilli Ciidamadu ay howlgal wadeen.
Ciidamo ka tirsan Boolika Soomaaliland ayaa rasaas ku kala Eryay dadka banaanbaxayaasha,waxaana Wariyeyaal ku sugan Magalada laas-Caanood ay sheegeen in rasaastaas ay ku dhaawacmeen ilaa Afar ruux oo ka mid ah dadka banaanbaxa dhigayay.
Wararka qaar ee laas-caanood laga helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in Meydadka laba Ruux oo ay habeeno ka hor dileen Ciidamada Soomaaliland aan weli la’aasin,isla markaana Eheladooda ay sheegeen inaan la Aasi doonin ilaa Soomaaliland ay cadaalada horgeyso dadkii ka dambeeyay dilkaas.
Xaalada Magalada laas-Caanood ayaa Maanta aad u kacsaneyd waxaana dad ku sugan halkaasi ay sheegeen in badi Maanta ay xirnaayeen goobaha Ganacsiga,isla markaana uu saameyn weyn ku yeeshay banaanbaxa.
