Site icon Radio Risaala: Somali News Online

Saraakiisha CXD oo ka hadlay howlgallo ka dhacay Sh/Dhexe

Sh/Dhexe-RisaalaFM- Taliyaha Qeybta 27-aad ee Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed Generall Maxamuud Maxamed Koronto ayaa faah faahin ka bixiyay howlgallo ay ciidamada ka fuliyeen inta u dhexeysa Jowhar iyo Balcad.

Taliyaha qeybta 27-aad ee ciidanka Xoogga dalka ayaa sheegay in maalmahan ay jireen carqaladen ay sameynayeen Al-Shabaab oo gaadiidka isticmaala Jowhar iyo Balcad ay jidka u galeen, balse howlgallo ay ciidamada halkasi ka fuliyeen khasaare lagu gaarsiiyay Al-Shabaab,  isla markaana ciidan xoog leh la dhigay waddadasi.

General Maxamuud Maxamed Koronto ayaa beeniyay warar been abuur ah oo lagu baahiyay baraha bulshada, kaasi oo sheegayay in Al-Shabaab ay qabsadeen tuulooyin hoostaga Jowhar, waxaana uu intaa  ku daray in ciidamada ay markasta diyaar u yihiin inay shacabka ka dulqaadaan cadowga.

Ciidanka Xoogga Dalka oo kaashanaya Ciidamada Maamulka Hirshabeelle, ayaa shalay qaaday guluf ay ku doonayan inay isugu furaan wadada xiriirisa Degmooyinka Balcad & Jowhar ee Gobolka Shabeellaha Dhexe, ka dib markii ay Shabaabku ku soo xoogeysteen.

Ciidamada gulufkan qaaday oo uu horkacayo Madaxweyne Kuxigeenka Hirshabeelle, Cali C/laahi Xuseen (Cali Guudlaawe), ayaa bilaa dagaal kula wareegay Degaanka Ceelka Geelow. Shabaabka ayaa isaga baxay halkaasi, markii ay ka war helayn gulufka xoogan ee ku soo wajahan.

Exit mobile version