Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Indonesia Danjire C/Xakiin Ugaas Cali Yaasiin ayaa ka hadlay qaban qaabada shirka Madaxda wadamada Islaamka oo lafilayo in dhawaan uu ka dhoco wadanka Indonesia.
Danjire C/Xakiin ayaa sheegay in dhawaan uu magaalada Jakaarta ee xarunta dalka Indonesia ka furmi doono shir ay isugu imaanayaan wadamada Islaamka, kaasi oo looga hadli doono dhibaatooyinka haysta shacabka falastiin.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la filayaa in uu ka qeyb galo shirkaasi waxaana Danjire C/Xakiin Ugaasi Cali Yaasiin uu sheegey in Madaxweynaha dalka Indonesia uu warqad casuumaad ah u fidiyay Madaxweynaha Soomaaliya si uu uga qeyb galo shirkaasi.
Dhinaca kale safiirka ayaa sheegey in uu meel fiican marayo xiriirka diblomaasiyadeed ee u dhexeeya wadamada Soomaaliya iyo Indonesia.
Sanadihii ugu dambeeyay waxaa sii xoogaysanaayay xiriirka dhanka diblomaasiyadda ee Soomaaliya ay la wadaagto wadamada caalamka, iyadoo dalka Indonesia uu ka mid yahay wadamada iskaashiga la leh Soomaaliya.
