Site icon Radio Risaala: Somali News Online

Saddex Daafac oo Bartilmaameed u ah Man Utd

Man Utd ayaa lagu soo waramayaa inay diirada saareysa daafaca kooxda Inter Milan Milan Skriniar, kaasoo lagu qiimeeyo lacag dhan  € 150m.

Red Devils ayaa ku dhibtooneysa qeybta daafaca xilli ciyaareedkan, waxaana laga dhaliyay 35 gool 26 kulan oo Premier League ah, taasoo ka dhigeysa inay tahay kooxda labaad ee ugu daafaca xun sideeda koox ee ugu sareysa Premier League.

Inkastoo ay horumar sameeyeen tan iyo markii tababaraha ku meel gaarka ah ee kooxda loo magcaabay Ole Gunnar Solskjaer kaasoo guuldaradii ugu horeysay kasoo gaartay Paris Saint-Germain bartamihii isbuucii hore.

Waxaa laga yaabaa in maskaxda lagu hayo xaalada difaaaca kooxda, warbixinta ayaana sheegeysa in Skriniar uu kujiro liiska bartilmaameedyada Man Utd, iyadoo sidookale Kalidou Koulibaly iyo Joachim Andersen lagu xusay warbixintaan.

Exit mobile version