Site icon Radio Risaala: Somali News Online

Saddex arrimood oo ku saabsan Qudus iyo go’aanka laga filayo Trump

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa Qudus u aqoonsan doono in ay tahay caasimadda Israa’iil, sida ay ku warrameen saraakiil sare oo ka tirsan maamulka Trump.

Arrintan uu khilaafka ka taagan yahay ayaa la filayaa in Trump uu ka sheego hadal uu jeedin doono gelinka dambe.

Sidoo kale waxaa la filayaa in Trump uu shaaciyo in safaaradda Mareykanka ee ku taalla Tel Aviv loo raro Qudus, balse waxay taasi qaadan kartaa sannado.

Israa’iil waxay soo dhoweysay isbedelka laakiin Falastiiniyiinta iyo hoggaamiyayaasha Carabta ayaa ka digay khatarta arrintan ay u keeni karto hannaanada nabadda ee Bariga Dhexe.

Sacuudiga oo saaxiib dhow la ah Mareykanka ayaa tallaabadan cusub ku tilmaamay “daandaansi qayaxan oo ku wajahan Muslimiinta”.

Israa’iil waxay Qudus u aragtaa caasimaddeeda, halka Falastiiniyiinta ay doonayaan in Bariga magaalada Barakeysan ay noqoto caasimaddooda mustqabalka.

Haddii Trump uu Qudus u aqoonsado caasimadda Israa’iil, Mareykanka wuxuu noqonayaa dalkii ugu horeeyay ee sidaasi sameeya, tan iyo aasaaskii Israa’iil sannadkii 1948.

Maxay tahay doodda ragaadisay xaaladda magaalada barakeysan ee Qudus?

Arrinta Qudus waxay xuddun u tahay dagaalka u dhexeeya Israa’iil iyo Falastiin oo taageero ka heleysa dalalka Carabta iyo guud ahaan Muslimiinta caalamka.

Magaalada waxay meel barakeysan oo diimeed u tahay Muslimiinta, Yahuudda iyo Masiixiyiinta, si gaar ah bariga magaalada Qudus.

Israa’iil ayaa qeybtaasi Bariga ka qabsatay Urdun ka dib dagaalkii Bariga Dhexe ee 1967, waxeyna magaalada oo dhan u aragtaa in ay tahay caasimaddeeda aan la kala goyn karin.

Sida uu dhigayo heshiiskii nabadda ee Israa’iil iyo Falastiin ee 1993, marxaladda magaalada Qudus waxay ahayd in looga doodo kulamadii ka dambeeyay midkii lagu saxiixay heshiiskaasi.

In Qudus ay leedahay Israa’iil weli caalamka muusan aqoonsan, dunida oo dhanna waxay safaaradohooda ku yaallaa Tel Aviv.

Tan iyo 1967, Israa’iil waxay Bariga Qudus guryo badan uga dhistay qiyaastii 200,000 oo Yahuud ah. Caalamka ayaa deegaameyntaas u arka mid sharci darro ah, In kastoo Israa’iil ay diiday arrintaas.

Haddii Mareykanka uu Qudus u aqoonsado caasimadda Israa’iil taasi waxay noqoneysaa in guryaha bariga Qudus ay sharci u leeyihiin Bulshada Yahuudda.

Muxuu yahay Qorshaha Mareykanka?

Saraakiisha sare ee maamulka Trump waxay sheegeen in Qudus loo aqoonsado Caasimadda Israa’iil in ay tahay in Mareykanka uu “gartay xaqiiqada”.

Sikastaba, Xudduudaha gaarka ah waxay sii ahaan doonaan muwduuca heshiiska ugu dambeeya, sida ay saraakiishaasi sheegeen. Waxay intaa ku dareen in xaaladda goobaha barakeysan aysan arrinta saameyn doonin.

Madaxweyne Trump wuxuu sidoo kale amri doonaa in waaxda arrimaha dibadda ay bilawdo hannaanka safaaradda Mareykanka loogu rarayo Qudus. Laakiin tallaabadaasi waxay qaadan doontaa sanado badan maadaama ay ka fikiri doonaan goobta laga dhisayo iyo arrimaha amniga.

Donald Trump wuxuu arrintaas u ballanqaaday cod-bixiyayaasha Yahuudda, xilligii ololaha doorashada uu ku jiray.

Mr Trump ayaa xaqiijiyay in uu xoogga saari doono heshiis nabadeed dhexmara Israa’iil iyo Falastiin, kaas oo uu hogaaminayo wiilka uu sodogga u yahay ee Lataliyaha sare u ah, Jared Kushner.

Siduu caalamka uga jawaabay?

Mr Trump waxaa telefoonka ka wacay dhowr hoggaamiyayaal si ay ugu wargeliyaan go’aankooda ku aadan arrinta.

Shaqaalaha dowladda Mareykanka iyo qoysaskooda waxaa laga hor istaagay in ay u safraan bariga magaalada Qadiimiga ah ee Qudus iyo Daanta Galbeed ka dib markii ay soo baxday cabsi dhanka amnigooda ah, waxaana la filayaa isu soo baxyo.

Wasiirka Sirdoonka Israa’iil oo lagu magacaabo Israel Katz wuxuu idaacadda ciidamada u sheegay in “ay isu diyaarinayaa wax kasta” sida in ay rabshado dillaacaan.

Faransiiska, Midowga Yurub iyo ururka Jaamacadda Carabta ayaa dhankooda walaac ka muujiyay saameynta uu yeelan karo go’aanka Trump.

XIGASHO: BBC 

 

 

Exit mobile version