Warbixintan ay qortay Middle East Eye Sacuudi Carabiya ayaa ku guda jirta dhisidda isbahaysi militari oo cusub oo ay la yeelanayso Soomaaliya iyo Masar, taasoo qeyb ka ah dadaal ay ku doonayso inay xaddido saameynta Imaaraadka Carabta (UAE) ee gobolka, sida ay sheegtay warbixin ay soo xigatay Bloomberg.
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la filayaa inuu dhawaan u safro Sacuudi Carabiya, si loo dhammeystiro heshiiskan cusub oo diiradda saaraya xoojinta amniga Badda Cas iyo iskaashiga militari.
Xiisadda u dhaxeysa Sacuudiga iyo Imaaraadka ayaa si weyn u sii kordhay, kaddib markii Sacuudigu ku amray Imaaraadka inay ciidamadooda kala baxaan Yemen, taasoo la xiriirta taageerada ay UAE siiso gooni-goosadayaasha Koonfurta Yemen.
30-kii December, Sacuudiga ayaa duqeeyay magaalada dekedda ah ee Mukalla, isagoo beegsaday markab hub sida oo la sheegay inuu ka yimid Imaaraadka, hubkaas oo loogu talagalay Golaha Koonfurta Kumeelgaarka ah (STC).
Sacuudi Carabiya ayaa tallaabadan ku tilmaantay “howlgal xaddidan”, iyadoo sheegtay in amniga qarankeeda uu yahay xariiq cas, isla markaana ku tilmaantay tallaabooyinka Imaaraadka kuwo aad khatar u ah.
Golaha Hoggaanka Madaxtooyada Yemen (PLC) ayaa dalbaday in ciidamada Imaaraadka ka baxaan Yemen, wuxuuna joojiyay heshiis difaac oo ay la lahaayeen UAE, sidoo kalena wuxuu soo rogay xayiraado degdeg ah dekedaha iyo isgoysyada.
Dhanka kale, Soomaaliya ayaa toddobaadkan baajisay heshiisyo amni iyo dekedo oo ay la lahayd Imaaraadka, iyadoo ku eedeysay UAE inay ku xadgudubtay madax-bannaanida Soomaaliya, kaddib markii hoggaamiyaha STC Caydaruuus Al-Zubaydi laga saaray dhulka Soomaaliya.
Sacuudiga ayaa muujiyay taageero cad oo uu u hayo midnimada dhuleed ee Soomaaliya, wuxuuna ku biiray dalal Muslimiin ah oo cambaareeyay aqoonsiga ay Isra’iil siisay Somaliland iyo booqashooyinka rasmi ah ee ay halkaas ku tagtay.
Inkasta oo Imaaraadku uu sheegay inuu ixtiraamayo midnimada Soomaaliya, haddana wuxuu xiriir dhow la sameeyay maamullada Puntland iyo Somaliland, isagoo ka tallaabsanaya Dowladda Federaalka ee Muqdisho, isla markaana maalgelin ballaaran ku sameeyay dekedaha Berbera iyo Boosaaso.
Mas’uuliyiin Sacuudi ah ayaa la sheegay inay ku cadaadinayaan Soomaaliya inay jarto xiriirka ay la leedahay Imaaraadka, taasoo muujinaysa rabitaanka Sacuudiga ee ah inuu dhiso xiriir diblomaasiyadeed iyo militari oo xooggan oo uu la yeesho Geeska Afrika.
Xiriirka Sacuudi Carabiya iyo Masar ayaa sidoo kale sii xoogeysanaya, iyadoo ilo Masri ah u sheegeen Middle East Eye in Qaahira ay Sacuudiga la wadaagtay xog sirdoon oo ku saabsan hawlgallada Imaaraadka ee Yemen.
Sidoo kale, Turkiga ayaa la sheegay inuu doonayo inuu ku biiro heshiis militari oo u dhexeeya Sacuudi Carabiya iyo Pakistan, kaasoo la aasaasay bishii September, si loo ballaariyo iskaashi difaac oo heer gobol ah.
Khabiir ka tirsan Jaamacadda King’s College London, Dr. Andreas Krieg, ayaa sheegay in Imaaraadku uu dhisayo isbahaysi goboleed ay ku jiraan Isra’iil balse laga reebay Sacuudiga, dalalka Carabta qaarkood iyo Turkiga.
Warbixinta Middle East Eye ayaa ku soo gabagabeysay in kororka heshiisyada difaac ee Sacuudi hoggaaminayo uu muujinayo isbeddel weyn oo ku yimid awoodaha iyo xulafada Bariga Dhexe, isla markaana ay tani astaan u tahay tartan cusub oo qoto dheer oo u dhexeeya Sacuudi Carabiya iyo Imaaraadka Carabta

