Site icon Radio Risaala: Somali News Online

Sacdiyo Bajaaj Oo Maanta Maxkamad La Horgeynayo.

Waxaa saaka la filayaa in Maxkamadda Gobolka Banaadir la horgeeyo Sacdiyo Macalin Cali, oo loo yaqaan “Sacdiyo Bajaaj”, kaddib ku dhowaad 50 maalmood oo ay ku xirneyd hay’adaha ammaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Kiiska Sacdiyo ayaa noqday mid si weyn looga hadal hayo gudaha dalka iyo baraha bulshada, iyadoo ay caan ku tahay soo bandhigista aragtideeda ku saabsan arrimaha bulshada, siyaasadda iyo xaaladaha dalka.

Hadal-heynta kiiskan ayaa sii xoogeysatay kaddib markii Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka, Suleeymaan Maxamed Maxamuud, uu dhawaan sheegay in Sacdiyo lagu helay dambiga loo haysto, arrintaas oo dhalisay su’aalo iyo dood ku saabsan habraaca caddaaladda, maadaama xilligaas aan wali maxkamad rasmi ah la horgeyn islamarkaana aan go’aan maxkamadeed la gaarin.

Wararka laga helayo xarunta Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa sheegaya in dadweyne badan ay ku qulqulayaan goobta si ay ula socdaan dhageysiga dacwadda Sacdiyo Bajaaj, taasoo muujinaysa xiisaha weyn ee ay bulshada u qabto kiiskan.

Fadhiga maanta ayaa la filayaa inay ka qeyb galaan lix qareen oo difaac u ah Sacdiyo, xubno ka tirsan qoyskeeda iyo dhinacyada dacwadda.

Exit mobile version