Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke ayaa maanta ka baaqday in uu tago xarunta golaha shacabka si ay xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya wax uga weydiiyaan qodobadii ka soo baxay shirkii Madasha Qaran ee dhowaan lagu soo gaba gabeeyay magaalada Muqdisho.
Xildhibaanada qaar ayaa waxa ay sheegeen in ilaa iyo hada aysan kala cadeyn qodobada heshiiska ay gaareen madaxda Qaran taasoo ah waqtiga uu dhamaanayo baarlamaanka Soomaaliya iyo waqtiga doorashada dalka ay ka dhaceyso.
Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa shalay laga filayay in uu hortago xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya balse ay ku soo aaday xilli fasax Labo maalmood ah la siiyay shaqaalaha Soomaaliya maadaama loo dabaal degayay maalinta shaqaalaha aduunka.
Xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta la filayay in ay ka doodaan doorashada sanadkan dalka ka dhaceysa, iyadoo wali ay jiraan xildhibaano qaar oo dood ka qaba qodobadii ka soo baxay shirkii Madasha Qaran ee magaalada Muqdisho lagu soo gaba gabeeyay.
