Site icon Radio Risaala: Somali News Online

RW Xamse oo ka digay in ganacsatada ay lacago ku taageeraan Alshabaab

Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa maanta furay Shirweyanaha Iskaashiga Dowladda, Ganacsatada iyo Bulshada ee Qorshaha Ka hortagga iyo la dagaallanka Maalgalinta Al shabaab .

Ujeedka Shirka ayaa ah in Dowladda, ganacsatada iyo bulshadu ay iska kaashadaan la dagaallanka maalgalinta Alshabaab , iyada oo la bartilmaameedsanayo dadka la shaqeysta Al shabaab  iyo kuwa Maalgeliya, waxaana ciddii lagu helo danbiga noocaas ah la horgeyn doonaa Caddaaladda.

Dhinaca kale Ra’iisal wasaare Xamse ayaa sheegay Maxkamadaha Al shabaab aysan ka fiicneen  kuwa , balse marka fulintu timaado ayey iyagu ishaaro iyo telefoon yar ku fuliyaan cabsi darted ayuu  yiri”.

Ra’iisal Wasaare Xamse ayaa ugu baaqay bulshada Soomaaliyeed in dowladda lagu taageero la dagaalan Alshabaab iyo kuwa maalgeliya, isaga oo uga digay ganacsatada in ay ku taageeraan dhibaateynta dadka Soomaaliyeed.

 

Exit mobile version