Site icon Radio Risaala: Somali News Online

Ruushka iyo Ukraine ayaa labaduba sheegay in weerar internetka ah lagu soo qaaday

Ukraine iyo Ruushka waxay labaduba sheegeen in barnaamijyadooda digniinta ee xaaladaha degdegga ah xalay la weeraray.

 

Marka hore waxaa la weeraray Ukraine iyadoo fariin digniin ah oo aan jirin uu diray barnaamijka.

 

Siyaasiga reer Ukraine Oleksander Merezhko ayaa sheegay in ay shaki dhalisay fariinta oo ku qorneyd luuqadda Ruushka, wuxuuna sheegay in weerarkan uu qeyb ka yahay dagaalka internetka

 

Saacado kaddib Ruushka ayaa sheegay in la weeraray dhankooda iyadoo xog been abuur ah dadka lala wadaagay.

 

Digniinta been abuurka ah ayaa dadka u digtay isticmaala abka, waxayna u sheegtay in ay jirto “halis ah in la noolaado”, waxayna sheegtay in madaxyada hubka nukliyeerka lagu riday “dhammaan gobollada Ruushka”.

Exit mobile version