Weerar yahanka kooxda Real Madrid Cristiano Ronaldo ayaanan xaadirin tababarka kooxda ay isugu diyaarineyso kulanka Champions League kulanka wareega 16 oo ay wajahayaan kooxda reer Talyaani ee SSC Napoli.
Ronaldo ayaa si buuxda uciyaaray kulankii horyaalka oo ay kooxdiisu 3:1 kaga adkaatay dhigooda Osasuna sabtidii , kama soo muuqan diyaar garowga kulanka Champion ka waxaana uu keliya ku ekaa jimicsi
Kooxda Real Madrid ayaa war ay kusoo qoreen bartooda waxa ay ku sheegeen inay kooxdu dhamaan isu diyaarineyso kulanka Champion ka wareega 16-ka oo ay la leeyihiin Napoli.
Kaliya Cristiano Ronaldo iyo Fabio Coentrao ayaan kamid aheyn xidigaha Madrid ee kulankaas isku diyaarinaya sababo dhaawac awgii.
Macalinka kooxda Zidane ayaa uyeeray wiilkiisa Enzo Zidane si uu qeyb uga noqdo tababarka kooxda eek a horeeya kulanka ay wajahayaan Napoli.
32 sano jirkaan reer Portugal ayaa dhaliyay 21 Gool 26 kulan oo uu kooxda kasoo muuqday dhamaan tar-tamada xilli ciyaareedkan 2016-2017.
