Site icon Radio Risaala: Somali News Online

Real Madrid Oo Ku Garaacday Manchester United Iyo Barcelona Kooxda Ugu Daqliga Badan Kubada Cagta Adduunka

Real Madrid ayaa la xaqiijiyay inay ugu daqli badan tahay kooxda kubada cagta adduunka ka dib markii lasoo bandhigay dhaqaalaheedii ugu dambeeyay.

Kooxda Spanish ayaa soo bandhigtay dakhli rikoor ka badan kii ay heshay xili ciyaareedkii 2015-16, iyadoo dakhliga soo baxay uu yahay hadda 7.4 boqolkiiba oo u dhiganta € 620million.

kooxda 11-mar heysata tartanka Europe ayaa ku garaacday dhaqaalaha marka laga hadlo kooxda ay xifaaltamaan ee Barcelona iyo Manchester United.

dakhliga Barca mudadaas ay ku heshay ayaa ah € 679m, laakiin ku dhowaad € 70m waxay ku qaateen iibka ciyaaryahanada- taasoo Madrid aanay sameyn marka la barbardhigo Barcelona.

Mancheste United ayaa ku dhawaaqday dakhliga ah € 570m bishii September in ay kooxda usoo xarootay.

Intaas waxaa sii dheer, Los Blancos in ay bixisay € 96m oo ah daynta kooxda, waxaana markaas faa’iidada guud ay tahay 22.5 boqolkiiba oo u dhiganta € 55.9m ama € 43.3m.

war kooxda caasimada Spain ka dhisan kasoo baxay ayaa lagu yiri: ‘dakhliga sanadlaha ee kooxda wuxuu u kordhay sida ugu dhaqsiyaha badan.

 

Exit mobile version