RASMI:Macalin Jurgen Klinsmann oo Laga Ceyriyay Xulka Maraykanka
Ilyaas Daa'uud
Tababarihii xulka kubadda cagta ee Maraykanka, horena u ahaan jiray weeraryahan u safan jiray xulka jarmalka, Jurgen Klinsmann, ayaa laga eryay shaqadii tababarenimo ee uu ku laylinayey xulka Maraykanka.
“Waxaan ku qanacsannahay in aan leennahay cayaartoy tayo leh oo gacan ka gaysta in Maraykanku u soo baxo cayaaraha lagu qaban doono Ruushka sannadka 2018” sidaa waxaa yiri guddoomiyaha xiriirka kubadda cagta ee Maraykanka Sunil Gulati.
Wuxuu intaa ku daray inay u baahdeen inay qaataan jiho ka duwan tii uu kooxda ku waday Klinsmann.