Manchester United ayaa magacowday 30ka xiddig ee uga qeyb galaya inta ka harsan koobka Europa League.
Kooxda Ole Gunnar Solskjaer ee Red Devils ayaa waxa ay la ciyaarayaan kooxda reer Austria ee LASK lugta labaad ee wareega 16ka oo ka dhaceysa garoonka Old Trafford habeen danbe oo Arbaco ah.
Xiddiga dhaawacan Luke Shaw ayaa laga saaray liiska 30ka xiddig ee la magacaabay. Axel Tuanzebe ayaa ka maqan liiska madaama uu dhaawac yahay.
Hal nin oo dib loogu soo daray kooxda waa daafaca dhexe Phil Jones kaasoo la iska ilaaway tan iyo markii xilli ciyaareedka dib loo bilaabay.
Solskjaer ayaa rajeynaya inay shaqada u qabtaan xiddigaha uu ku tashto ee Bruno Fernandes, Paul Pogba, Marcus Rashford iyo Anthony Martial.
Laakiin waxaa jira magacyo si lama filaan ah uga soo muuqday liiska oo ay ku jiraan kabtanka kooxda da’ yarta Teden Mengi iyo Ethan Galbraith kuwaasoo u dagaalami doona inay helaan fursad ay isku soo bandhigaan.
Liiska 30ka Xiddig Ee Ay Man United U Magacowday Tartanka Europa League:
Goolhayayaal: David De Gea, Sergio Romero, Lee Grant, Nathan Bishop.
Daafacyo: Eric Bailly, Diogo Dalot, Tim Fosu-Mensah, Phil Jones, Ethan Laird, Victor Lindelof, Harry Maguire, Teden Mengi, Aaron Wan-Bissaka, Brandon Williams.
Khadadka Dhexe: Andreas Pereira, Bruno Fernandes, Fred, Ethan Galbraith, James Garner, Daniel James, Jesse Lingard, Juan Mata, Nemanja Matic, Scott McTominay, Paul Pogba.
Weeraryahano: Tahith Chong, Mason Greenwood, Odion Ighalo, Anthony Martial, Marcus Rashford.

