Site icon Radio Risaala: Somali News Online

RASMI: Liverpool Oo Kansashay Heshiiskii Amaahda Ahaa Ee Lazar Marković

Kooxda Hull City ayaa hadda si rasmi ah ugu dhawaaqday in ay Liverpool kala soo wareegtay xidiga xulka qaranka Serbia ee Lazar Marković kaas oo tan iyo xili ciyaareedkii hore amaah kaga maqnaa Anfield. Lazar Marković ayaa markii uu Liverpool ku soo biiray loo arkayay mid ka mid ah da’yarka Yurub ugu fiican balse horumarkiisii aan hoos udhacay tan iyo markii uu Benfica ka soo wareegay ee uu Liverpool ku soo biiray.

Qoraalka Hull City ay ku xaqiijisay heshiiska Markovic ayaa la soo dhigay barta tiwitterka ee kooxdeeda waxaana lagu yidhi: “Waxaanu ku faraxsanahay in aanu xaqiijino saxiixa Lazar Markovic oo aan amaah kagala soo wareegnay Liverpool ilaa dhamaadka xili ciyaareedkan”.

 

Exit mobile version