Site icon Radio Risaala: Somali News Online

Ra’iisul Wasaare Kheyre oo kusii jeeda Itoobiya

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa kusii jeeda Magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya , halkaasoo oo uu kaga qeyb gali doonto Shir Madaxeedka Ururka Midowga Afrika oo halkaasi ka furmaya.

Shirka ayaa looga hadlaaya Xaaladda Qaaradda Afrika iyo sidoo kale Nabad kusoo dabaalida dalalka Afrika ee ay dhibaatooyinku ka socdaan.

Waa Markii labaad ee uu tago dalka Itoobiya Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre , isagoona horay uga qeyb galay Shirkii Madaxda IGAD ee looga hadlaayay Xaaladda Cakiran ee Suudaanta Koonfureed

Exit mobile version