Site icon Radio Risaala: Somali News Online

Xildhibaanada oo markale su’aalo weydiinaya Ra’iisul Wasaaraha iyo Taliyaha nabad sugidda

Xarunta Golaha Shacabka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa ka soconaya kulan aan caadi ahayn oo maanta mar kale su’aallo ku weydiinaya Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, iyo Taliyaha nabad sugidda qaranka C.raxmaan Tuur Yare.

Shalay Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, iyo Taliyaha nabad sugidda qaranka C.raxmaan Tuur Yare, ay hortageen golaha baarlamaanka oo kulankooda uu gaaray ill gabaldhicii shalay.

Xildhibaano goobta ku sugan oo aan la xiriirnaya ayaa waxa ay inoo xaqiijiyeen in kulanka baarlamaanka uu furmay.

Kulanka maanta iyo kii shalay ayaa ahaa mid aad xasaasi u ah oo kulamadii hore ka duwanaa, iyadoo shalay Saxaafada shirkaasi ay banaanka ka joogtay.

Wixii Ku Soo Kordha warkan la soco Insha allah

Exit mobile version