Site icon Radio Risaala: Somali News Online

Qoor qoor oo ka haray tartanka doorashada Galmudug.

Madaxweynaha maamulka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor), ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay inuu isaga haray tartanka dib u doorashada madaxtinimada Galmudug.

 

Qoor Qoor ayaa go’aankiisa ku shaaciyay munaasabad ay goob joog ka ahaayeen Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre, iyo Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda Qaranka (NISA), Mahad Maxamed Salaad.

 

Madaxweynaha ayaa sheegay inuu ka tanaasulay hamigiisii hoggaaminta Galmudug iyo inuu mar kale u tartamo xilka, taasoo si weyn loogu fasiray inay soo afjartay ololihiisii dib u doorashada.

 

Go’aankan ayaa la xiriiro dadaallo ay Villa Somalia ku dooneyso in hoggaanka Galmudug loogu wareejiyo siyaasi ka tirsan Xisbiga Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP).

 

Hadalkan ayaa imaanaya xili maalmihii u dambeeyay ay socdeen wada-hadallo iyo kulamo u dhexeeyay Madaxweyne Qoor Qoor, Agaasimaha NISA Mahad Salaad, iyo Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre, kuwaas oo diiradda lagu saarayay sidii xilka loogu wareejin lahaa hoggaan cusub si nabad ah.

Exit mobile version