Madaxweynihii hore ee Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor), ayaa sheegay inay xiriir la sameyn doonaan madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen), isla markaana ay wafdi u diri doonaan.
Qoor Qoor ayaa sheegay inuu xiriir gaar ah oo saaxiibtinimo la lahaa Lafta-gareen, isaga oo ku tilmaamay nin wanaagsan.
“Lafta-gareen waa la xiriiraynnaa, wafdina waa u diraynnaa. Saaxiib gaar ah ayaan ahayn Lafta-gareen, waana nin wanaagsan,” ayuu yiri Qoor Qoor.
Hadalka madaxweynihii hore ee Galmudug ayaa kusoo aadaya iyadoo weli ay taagan tahay xiisadda siyaasadeed ee ka dhalatay isbeddelkii hoggaanka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

