Ergeyga gaarka ah ee xoghayaha guud ee qaramada midoobey u qaabilsan Soomaaliya Micheal Keatig ayaa si kulul uga hadlay Qaraxii shalay ka dhacay Isgoyska Kaawo-godey ee Degmada Wadajir.
Danjire Micheal Keatig ayaa weerarka ku tilmaamay mid argagixiso oo naxdin leh kaas oo lagu xasuuqay dad rayid ahaa oo aan waxba galabsan.
“Waxaan cambaareynayaa weerarki argagixiso ee naxdinta lahaa , kaas oo lagu beegsaday dad rayid ah oo aan waxba galabsan, weerarkaas oo ay ka dhalatay khasaaro baaxad weyn. Xeeladaha aan kala sooca lahayn ee lala beegsanaayo dadka Soomaaliyeed waa fal naxariis darro ah waana dembi mudan in la cambaareeyo.” ayuu yiri Keating.
Wuxuu ammaan u jeediyay shaqaalaha hay’adaha amniga iyo caafimaadka gurmadkii degdegga ahaa ee ay u fidiyeen dadkii ku waxyeelloobay qaraxa isaga oo soo jeediyay in caddaaladda la hor geeyo dadkii ka dambeeyay Qaraxaasi.
“Waxaan sii xoojineynaa taagerada aan ku taageereyno dadka Soomaaliyeed sida ay uga shaqeynaayaan xaqiijinta rajadooda ku aadan mustaqbal xasilooni iyo nabad ay ku dheehantahay.” ayuu raaciyay.
Micheal Keating ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoysaska iyo saaxiibada dhammaan dadkii dhibku ka soo gaaray Qaraxii shalay.
Sidoo kale waxaa uu tilmaamay in Al-Shabaab ay doonaayeen in Qaraxaasi ay ku qalqaliyaan madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Maxamed.
Shalay ayay aheyd Markii Qarax loo adeegsaday Gaari uu ka dhacay Xaafadda Gaawo-Godey ay ku dhinteen dad ka badan 40 qof tiro kalena ay ku dhaawacmeen.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa falkaasi ku tilmaamay mid laga naxo.
