Site icon Radio Risaala: Somali News Online

QM oo walaac ka muujisay Abaaraha ka jira Geeska Afrika

Xafiiska Qaramada Midoobay ee Xiriirinta Arrimaha Bani’aadamnimada ayaa sheegay in abaaraha Ka Jira Geeska Afrika inay saameeyeen dad u badan carruur.

Sidoo kale Qaramada Midoobey ayaa Xustay in cunto Yari baahsani ay ka jirto dalalka Soomaaliya iyo Koonfurta Sudan .

Qaramada Midoobey ayaa sheegtay in dalalka Soomaaliya iyo Koonfurta Sudan ay yihiin meelaha ugu daran oo ay ka jirto cunto yarida baahsan ,taasina ay sabab u tahay ammaan la,aanta ka jirta dalalkaasi.

“Caruur badan oo kunool Geeska Afrika ayaa Qarka u saaran in ay u dhintaan Nafaqo daro , sidaas darteed waa muhiim in dadkaasi loo gargaaro , ugu Yaraan 29 Milyan oo qof oo kunool Geeska Afrika ayaa u baahan gargaar cunto ah ” ayaa lagu sheegay Warbixin kasoo baxday Qaramada Midoobey.

Qaramada Midoobey ayaa horay u sheegtay in ay jiraan caruur badan oo nafaqo daro ay ku haysato Soomaaliya , loona baahan in wax laga qabto arintaasi.

Sida ay sheegayaan qiyaasaha, ku dhowaad 320,000 kun oo carruur  ah  ayaa qarka u saaran in ay u dhintaan cuduro kala duwan oo ay sababtay abaarta ka jirta Soomaaliya iyadoona 50,000 kun   oo ka mid ah ay la ildaran yihiin Nafaqo daran ba’an

 

Exit mobile version