Site icon Radio Risaala: Somali News Online

Qatar iyo Ingiriiska oo Hoggaaminaya Ololaha Dib-u-dhiska Suuriya

Dowladda Qatar iyo Boqortooyada Ingiriiska ayaa ku dhawaaqay inay hoggaaminayaan olole caalami ah oo dib-u-dhis loogu sameynayo Suuriya, si loo xoojiyo dowlad-dhis cusub iyo horumar waara.

Warsaxaafadeed ay si wadajir ah u soo saareen labada dowladood ayaa lagu sheegay in Qaramada Midoobay, Mareykanka, iyo dalal kale oo Yurub ah ay diyaar u yihiin in laga qaado cunaqabateyntii muddada dheer saarneyd Suuriya, si loo siiyo fursad dowlad uu hoggaaminayo Axmed Sharac.

Tallaabadan ayaa imaneysa xilli ay Sacuudiga iyo Qatar horay u balanqaadeen inay bixinayaan deymaha lagu leeyahay dawladda Suuriya, taasoo qayb ka ah dadaallada dib loogu soo celinayo Suuriya saaxadda caalamka, kadib in ka badan 11 sano oo dagaallo sokeeye ah.

Exit mobile version