Site icon Radio Risaala: Somali News Online

QASAARAHA DAGAALKA PUNTLAND IYO DAACISH OO SII KORDHAY IYO SARKAAL CAAN AH OO GEERIYOODAY

Waxaa la xaqiijiyay inuu dagaalkii shalay ka dhacay Buuraha Calmiskaat ee Gobolka Bari ku geeriyooday G/sare Mukhtaar Axmed Faarax Qoryood oo ahaa taliyihii Guutada Dhiirane, kana mid ahaa saraakiisha hoggaamineysa dagaalka. Waxaa kaloo isna geeriyooday Cabdifataax Qoryood oo la dhashay sarkaalka.
Taliyaha ayaa la filayaa in meydkiisa la geeyo magaalada Boosaaso oo Aas maamuus ah loo sameeyo. Puntland weli si rasmi ah uma xaqiijin askarta uga dhimatay dagaalka ay kula jirto Daacish.

Exit mobile version