Site icon Radio Risaala: Somali News Online

Qarax Xooggan oo ay ku dhinteen 4 qof 18 kalena ay ku dhaawacmeen

Sida ay sheegayaan Wararka naga soo gaaraya dalka Nigeria Qarax xooggan ayaa waxa uu ka dhacay Magaalada Maiduguri Sida ay xaqiijiyeen Saraakiil ka tirsan ciidanka Booliska.

Qaraxa ayaa waxaa fuliyay Wiil 8 sano ah jir ah oo lagu soo xiray Waxyaabaha Qarxa.

Taliyaha Booliska Borno Damian Chukwu ayaa sheegay in Qaraxu uu ka dhacay Xaafadda Muna Garage oo ku taalla duleedka magaalada Moiduguri.

Waxaa uu sheegay in ay ku dhinteen Qaraxaasi 4 qof sidoo kale ay ku dhaawacmen dad ka badan 18 qof.

Mas’uuliyadda Qaraxaasi ayaa waxaa sheegatay Kooxda Boko Xaraam oo dagaal kula jirta dowladda Nigeria.

Kooxda Boko Xaram ayaa inta badan Qaraxyada ay ka geysato dalka Nigeria waxaa u adeegsataa  Ilmo ay kusoo xireen Waxyaabaha Qarxa.

 

Exit mobile version