Site icon Radio Risaala: Somali News Online

Qarax loo adeegsaday Gaari oo ka dhacay Muqdisho

Qarax loo adeegsaday gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay, ayaa goor dhaw ka dhacay nawaaxiga Wasaaradda amniga ee ku taallo Degmada Shangani.

Jugta qaraxan ayaa si aad ah loo maqlay, waxaana wararka ay sheegayaan in qaraxa uu ka dhacay meel aanan ka fogeyn dhismaha Wasaaradda amniga.

Lama oga Khasaaraha ka dhashay qaraxan ka dhacay nawaaxiga  Wasaarada amniga ee ku taalo Degmada Shangaani ee Gobolka Banaadir.

Wasiirka Warfaafinta Somaliya C/raxmaan Cismaan Yariisow, ayaa Bogiisa xiriirka Bulshada wuxuu ku sheegay in qaraxa uu ka dhacay maqaayad ku taalo ka soo horjeeda Wasaaradda dhalinyarada oo aanan sidaasi oga fogeyn dhismaha Wasaaradda amniga.

“Maqaaxi laga cunteeyo oo ku taala kasoo horjeedka Wasaarada Dhalinyarada iyo Cayaaraha ayaa Waxaa ka dhacay qarax xoogan oo loo adeegsaday Gaari.”

Waxii kusoo kordha kala soco Risaala.net

Exit mobile version