Wararka naga soo gaaraya Magaalada Baydhabo ee Caasimadda KMG ah ee maamulka Koonfur Galbeed ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi uu ka dhacay Qarax Khasaare geystay sidda ay xaqiijiyeen goobjoogayaal ku sugan Baydhabo.
Qaraxa ayaa waxaa ka dhashay Khasaare dhimasho iyo dhaawac leh , waxaana uu ka dhacay Saldhig ay leeyihiin Ciidanka Booliska maamulka Koonfur Galbeed.
Al-Shabaab ayaa sheegtay in ugu yaraan 4 askari oo katirsan ciidamada Koonfur galbeed ay ku dileen Qaraxa 10 kalane ay ku dhaawaceen.
Qaraxa ayaa ka dhacay xaafadda Hareeri Kaadiyoow, waxaana uu ahaa Miino lagu Aasay dhulka.

