Ku dhawaad 10 ruux ayaa ku dhimatay tiro kalana wey ku dhaawacmeen qarax ka dhacay meel ku dhow suuq ku yaala bariga dalka Afganistan, gaar ahaan gobolka Kunar, sida masuuliyiinta dowlada ay sheegeen.
Sarkaal ka tirsan xafiiska gudoomiyaha gobolka Kunar ayaa sheegay in qarax loo adeegsaday Mooto, kaasi oo sababay dhimashada 10 ruux.
Qaar kamid ah dadka waxyeelada soo gaartay ayaa la sheegay iney ahaayeen xaruur ku cayaarayay meel ku dhow goobta qaraxa uu ka dhacay.
Ma jirto cid sheegatay masuuliyada qaraxa ka dhacay bariga dalka Afganistan.
Wakaalada wararka Reuters ayaa baahisay in dadka dhintay uu kamid ahaa sarkaal sare oo lagu magacaabo Xaji Khan iyo wadaad kale oo deegaanka laga yaqaan.
