Site icon Radio Risaala: Somali News Online

Qarax askar ku dhinteen oo ka dhacay Shabeellaha Dhexe

Qaraxaas oo ahaa miinada nooca dhulkaagu Aaso ayaa waxaa uu ka dhacay wadada u dhaxeysa Tuulada Basra iyo degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe, waxaana ka dhashay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah.

Qaraxa ayaa waxaa lala  beegsaday Gaari ay wateen Ciidamo ka tirsan kuwa ilaalada Guddoomiyaha degmada Balcad, xilli ay marayeen halka loo yaqaano Tuulada Buulo-Kuunto oo u dhow Jiirada Daniga Baaloow.

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay qaraxa, waxaana dad aan la hadalnay aty sheegeen in qaraxaasi ay ku geeriyoodeen 8 kamid ah ilaalada Guddoomiyaha degmada Balcad, halka Saddex kale ay ku dhaawacmeen.

Tuulada Basro oo dhowr iyo toban KM dhinaca Galbeed kaga aadan degmada Balcad ayaa waxaa dhawaan la wareegay Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda, waxaana  wadada u dhaxeysa Basra iyo Balcad miinooyin badan ku Aasay Al-Shabaab.

Maamulka degmada Balcad iyo laamaha Amniga degmadaasi weli kama hadlin qaraxaas, waxaana askarta ku dhaawacantay loo soo qaaday Magaalada Muqdisho.

Exit mobile version