Site icon Radio Risaala: Somali News Online

Qadaafi kaligii taliye miyuu ahaa mise hogaamiye qaran?

Waxaan turjumay(Afsoomaali ubedelay) qoraal uusoo dhigay isagoo English kuqoran nin aan umaleeyey in uu udhashay wadanka Mali. Waa 16 qodob amma sababood oo loo diley Qadafi madaxwaynihii Libya, loona baaba’shay Libya. 1- Majirin wax biil koronto ah oo laga qaadi jiray muwaadinkasta oo Libyan ah. Dhammaan wadanka korontadiisu waxay ahayd bilaash.
2-Majirin wax saaritaan lacageed ah dhanka bankiyada, 0%.
3- Qadafi wuxuu hirgeliyey amma saxiixay sharci dhigaya in uusan qof familygiisa ahi helin guri ilaa uu muwaadinkastaaba helo guri. Qadafi aabihii wuxuu dhintey isagoo aan lahayn wax guri ah.
4- Laba kasta oo is guursadaa waxaa lasiin jiray lacag gaadhaysa 60,000 diinaar oo udhiganta (50,000$).
5- Waxbarashada iyo adeega caafimaadka ee muwaadikasta oo libyan ah waxay ahayd bilaash. 25% ayaa waxbarasho tegi jiray qadaafi kahor dabadiina 83%.
6- Muwaadinkii doona inuu shaqaysto isagoon lahayn aqoon waxaa laga caawin jiray waxbeerashada iyo xoolo dhaqashada, waxaana lasiin jiray guri beeri kudhex taal.
7- Haddii qof libyan ahi kabaxo jaamacad balse uusan helin shaqo waxaa dawladu siin jirtay lacag udhiganta aqoontiisa. Inta uu shaqo kahelayona lacagtaas ayuu qaadan jiray.
8- Qof libyan ahi haddii uu gato gaadhi kala badh lacagta waxaa kabixin jirtay dawlada.
9- Shidaalka litre kasta waxa uu ahaa qiime gaadhaya 0.14$. Wax aan gaadhin 0.5cent.
10- Majirin libya wax dibada uga imaan jiray, sidaas oo ay tahayna waxaa gudaha wadanka kasoo xeroon jiray lacag gaadhaysa 150 billion.
11- Qofka aan gelin jaamacad ee waxbarashada iyo shaqada aan haysan waxaa dawladu ku kaabi jirtay lacag dhan 2,300$ Bil kasta.
12- Dakhliga saliida wadanku waxaa toos loogusoo shubi jiray bankiga dawlada waxaana dib loogu celin jiray shacabka libya.
13- Hooyo kasta oo dhasha cunug(Ilme) waxay qaadan jirtay 5,000$.
14- 40 xabo ee roodhida ahi waxaa lasiin jiray qiime ahaan 0.15 . Wax kayar 0.5cent.
15- 25% bulshada libya waxay dhamaysteen jaamacadaha.
16- Qadafi wuxuu sameeyey qorshe horumarineed uu ubaxshay “The great man” oo ah ” Ninkii sareeyey amma qiimaha badnaa” oo uu ula jeeday waari mayside war hakaa hadho. Liibaane war wanaagsan kaba hadhye.
Ugu danbayntii wiilkii qoraalkan aan kasoo turjumay wuxuu kusoo geba gebeeyey qoraalkiisa hadal gar ah oo yaabkiisa leh wuxu yidhi ” Haddii hogaamiyaha sidaas uwanaagsan ee ummadiisa sidaas ugu shaqaynaya lagu tilmaamayo amma yahay keligii taliye, dimuquraadiyada waxan ay reer galbeedku ula bexeen ee ay kusheegaan jahanama ha isla galaan”.
Walaal, Haddiibaa aad halkan soo gaadhay anoo mahad kaaga celin aqrintaada waqtigaaga gaarka ah, u ogolow in asxaab badani ay sidaada u arkaan una aqriyaan turjumadayda. Laga yaabee inaan meelaha qaar ku kufay balse sidaan isleeyahay ugu badnaan waan saxay. Gacan labaad Abshir Xarago.

Waxaa tarjumay: cumar Cabdiraxman Maxamed

Exit mobile version