Site icon Radio Risaala: Somali News Online

Qaar ka mid ah Hay’addaha maamulka Puntland oo Isbedel lagu sameeyay

Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullahi Dani  ayaa xeer Madaxweyne ku baabi’iyey Hay’addii Biyaha, Tamarta, Korontada iyo Kheyraadka Dabiiciga ah (PSAWEN) ee maamulka Puntland.

Go’aanka Madaxweynaha ayaa waxaa ansixiyay Golaha Wasiiradda maamulka Puntland.

Sidoo kale Xeer kale oo uu Madaxweynuhu soo saaray waxaa Hay’addii Macdanta iyo Shidaalka laga dhigay waax ka mid ah waaxyaha Wasaaradda Tamarta, Macdanta iyo Biyaha ee  Puntland.

Waxaa la Aasaasay Wakaaladda Biyaha maamulka Puntland.

Sidoo kale Waxaa la Aasaasay Wakaaladda Korontada maamulka Puntland.

labadaasi Wakaaladood oo ay meelmariyeen Golaha Wasiiradu waxay Siyaasad ahaan hoos tagayaan Wasaaradda Tamarta, Macdanta iyo Biyaha ee Dowladda Puntland.

Dastuurka oo awal hoos tegayey Madaxtooyadda waxaa loo wareejiyay Wasaaradda Cadaalada iyo arrimaha Diinta. Waxaana magacii Wasaaradda laga dhigay Wasaaradda Cadaaladda, arrimaha diinta iyo Dastuurka.

Isbedelada la sameeyay waxaa loo gudbiyay Golaha wasiirada oo ansixiyey.

Exit mobile version