Site icon Radio Risaala: Somali News Online

Q.M oo maanta soo xirtay xafiiskeedii siyaasadeed ee Soomaaliya kaddib 13 sano.

Qaramada Midoobay ayaa maanta oo ah 31-ka Oktoobar 2026 si rasmi ah u soo afjaraysa howlgalka siyaasadeed ee ay Soomaaliya ka waday, kaas oo loo yaqaanay Hawlgalka Kaalmada Ku-meel-gaarka ah ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNTMIS).

Xiritaanka howlgalka ayaa imaanaya kaddib markii dowladda Soomaaliya ay sanadkii 2024 codsatay in la soo afjaro joogitaanka howlgalka siyaasadeed ee Qaramada Midoobay, isla markaana masuuliyadaha iyo shaqooyinkiisa lagu wareejiyo hay’adaha dowladda Soomaaliya iyo hay’adaha kale ee QM.

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, António Guterres, ayaa qoraal uu maanta soo saaray ku sheegay in inkastoo UNTMIS uu joojinayo howlihiisa, haddana Qaramada Midoobay ay sii wadi doonto taageerada Soomaaliya, iyadoo adeegsanaysa hay’adaheeda, sanduuqyadeeda iyo barnaamijyadeeda ka howlgala dalka.

Guterres ayaa sheegay in taageeradaasi ay diiradda saari doonto nabadda, xasilloonida, xuquuqda aadanaha iyo horumarka waara, iyadoo lala shaqeynayo dowladda Soomaaliya, Midowga Afrika iyo saaxiibada kale ee caalamiga ah.

Wuxuu bogaadiyay horumarka ay Soomaaliya sameysay iyo adkeysiga shacabka Soomaaliyeed, inkastoo ay weli jiraan caqabado waaweyn oo dhinacyada siyaasadda, amniga, bani’aadannimada iyo horumarka ah.

Xoghayaha Guud ayaa sidoo kale beesha caalamka ugu baaqay inay sii waddo taageerada Soomaaliya, gaar ahaan xoojinta hay’adaha dowladda, wadahadal siyaasadeed oo loo dhan yahay, dib-u-heshiisiinta iyo ilaalinta xuquuqda aadanaha.

3-dii Juun 2013, ayaa waxaa la aas-aasay Xafiiska Kaalmada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM),Kadib in ka badan 11 sano oo uu shaqeynayay UNSOM.

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa 30-kii Oktoobar 2024 go’aamiyay in magaca howlgalka loo beddelo UNTMIS, iyadoo 1-dii Nofeembar 2024 uu si rasmi ah u billowday howlgalka cusub ee kala-guurka.

UNTMIS ayaa loo qorsheeyay muddo laba sano ah, si tartiib-tartiib ahna loogu wareejiyo shaqooyinkiisa hay’adaha Soomaaliyeed iyo hay’adaha kale ee Qaramada Midoobay.

Maanta oo ay taariikhdu tahay 31-ka Oktoobar 2026 ayaa la soo afjarayaa muddadaas.

Xiritaanka UNTMIS ma aha dhammaadka joogitaanka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, balse wuxuu soo afjarayaa howlgalkeedii siyaasadeed ee gaarka ahaa, iyadoo hay’adaha kale ee QM ay sii wadi doonaan howlaha gargaarka, horumarinta iyo taageerada dowladda Soomaaliya.

Exit mobile version