Site icon Radio Risaala: Somali News Online

Puntland oo war ka soo saartay colaada degaanka Dhumay

Sool-RisaalaFM- Puntland ayaa waxa ay sheegtay inay aad uga xun tahay dagaalka ka soo cusboonaaday degaanka Dhumay ee gobolka Sool, kaasi oo u dhaxeeya labada beelood ee walaalaha ah oo halkaasi wada dega.

Qoraal ay soo saartay Puntland ayaa waxa ay ku sheegtay colaadan soo noq noqatay inay abaabuleeda leedahay Somaliland oo ay tilmaamtay inay cadow ku tahay jiritaanka, nabadda iyo xasiloonida shacabka xigtada ah ee halkaasi wada dega.

Puntland ayaa labada beelood ee colaada ay ka dhaxeyso waxa ay ugu baaqday inay si deg deg ah ku joojiyaan xiisada, iyada oo masuuliyiinta, culimada iyo dhammaan shacabka ku boorisay inay ka qeyb qaataan sidii loo soo afjari lahaa colaada.

Qoraalka ka soo baxay madaxtooyada Puntland ayaa ugu dambeyn lagu sheegay in Puntland ay diyaar u tahay inay si mugleh uga qeyb qaadato daminta colaada degaanka Dhumay ee gobolka Sool.

Exit mobile version