Puntland ayaa sheegtay inay gabi ahaanba shaqadii ka joojisay Tv-ga Universal inuu ka howlgalo deeganada Puntland, kadib markii ay ku eedeysay arimo ku aadan inuu baahiyay waxyaabo iska hor keenaya Bulshada iyo Maamulka.
War qoraal ah oo uu ku saxiixnaa Wasiir ku xigeenka Wasaarada Warfaafinta Puntland ayaa lagu sheegay in amarkaasi la siiyay dhamaan cida ay khuseyso shaqo joojinta Tv-ga uu maamulka ku sameeyay.
Puntland ma aysan faah-faahin Barnaamijka ka baxay Tv-ga Universal ee sababta ay uga dhigtay inay shaqadii ka joojisay Tv-ga inuu ka howlgalo deeganada ay gacanta ku hayaan Maamulka Puntland.
Dhowr mar sidan oo kale Puntland waxa ay ka shaqadii ka joojiyeen Universal Tv xarumihiisa Magaalooyinka Puntland, inkastoo markii dambe arimahaasi la xaliyay.
Madaxweyne Gaas ayaa xilligaan wajahaya culeysyo siyaasadeed oo kaga imaanaya Siyaasiyiin miisaan ku leh saaxadda Siyaasada Puntland, wuxuuna Gaas seefta marinaya cid kasta oo u arko inay ka soo horjeedo maamulkiisa.

