Site icon Radio Risaala: Somali News Online

Puntland oo soo bandhigtay Manhajka cusub ee Buugaagta Dugsiyada Hoose

Madaxweyne ku xigeenka  Puntland ayaa ka qaygalay xafladda xiritaanka qorista Manhajkan cusub ee Buugaagta Dugsiyada Hoose ee Puntland, waxaana dhammaystirka howshan soo diyaariyay guddi dowladdu u xilsaartay oo muddo sadex bilood ah qorayay bugaagtan.

Munaasabadda xiritaanka qorista Manhajkan cusub ee Buugaagta Dugsiyada Hoose ee Puntland oo lagu qabtay xarunta KulliyaddaTababarka macallimiinta GTEC ee magaalada Garoowe, waxaa madaxweyne ku xigeenka ku wehlinayay mas’uuliyiinta wasaaradda Waxbarashada oo uu horreeyo wasiirka, saraakiil ka socotay hay’adda UNICEF oo wasaaradda ka caawisay qorista Buugaagta Dugsiyada Hoose, xubno ka tirsan guddigii ka shaqeynayey qorista Buugaagta, aqoonyahanno, macallimiin iyo marti sharaf kale.

Madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland, Axmed Cilmi Cismaan Axmed Karaash oo soo xiray munaasabadda ayaa isna u mahad-celiyay mas’uuliyiinta wasaaradda waxbarashada Puntland oo uu ku bogaadiyay dadaalka ay ku bixisay qorista Buugaagtan cusub, gaar ahaanna wuxuu u mahadceliyay guddiga qorista Buugaagta Dugsiyada Hoose ee hawshan u xil-saarnaa.

Ugu dambeyntii, madaxweyne ku xigeenka ayaa shahaadooyin guddoonsiiyay guddigii ka shaqeeyay qorista Buugaagta iyo xubno kale oo kaalin muhiima ka qaatay hirgelinta Buugaagta Dugsiyada Hoose ee Puntland.

Exit mobile version