Site icon Radio Risaala: Somali News Online

Puntland oo shegtay inay qabtay hogaamiye ka tirsanaa Daacish

Howlgalka ka dhanka ah kooxda Daacish ee Puntland ayaa sheegay in ciidamadooda ay gacanta ku soo dhigeen hoggaamiye kooxda u qaabilsanaa nidaamka hagidda GPS-ka.

Qoraal la soo dhigay barta X ee horey loo oran jiray Twitter, ayuu howlgalka la dagaalanka Daacish ku sheegay, in ninkaas la qabtay isagoo isku dayaya inuu baxsado.

Ninkan ayaa waxaa la sheegay inuu u dhashay dalka Morocco, kaas oo magiciisa ku sheegay Cabdiraxiin Ibn Borosa.

Exit mobile version