Garoowe-RisaalaFM- Maamulka Puntland ayaa guddi u xil saaray hubinta da’da Dhalinyaradii lagu qabtay dagaaladii ka dhacay Deegaano ka tirsan Puntland, iyadoo xubno ka tirsan Qaramada Midoobay Puntland ay ku adkeeyeen inaan la xukumi karin dhalinyar yar yar oo ka mid ahaa kuwii lagu qabtay dagaaladaasi.
Wasiirka Cadaalada Maamulka Puntland Saalax Xabiib Jaamac oo la hadlay Warbaahinta deeganada Puntland ayaa wuxuu sheegay Guddi ka kooban Xeer ilaalinta, Dhaqaatiir iyo Aqoonyahano in loo xil saaray baaritaanka ku aadan hubinta da’da dhalinyaradaasi.
Xubno ka socda Xafiiska Qaramada Midoobay oo dhawaan gaaray Magaalada Garowe ee xarunta Maamulka Puntland ayaa sheegay Maxaabiista Shabaabka inay ku jiraan caruur da’ yar oo u baahan xanaaneyn, balse aanan mudneyn in la xukumo.
