Taliska qeybta Ciidanka Booliska Puntland ee Gobolka Bari ayaa deegaanka Bohol oo ka tirsan degmadda Uffayn Gobolka Bari ku qabtay Saraakiil ka tirsan Al-Shabaab iyo Kooxda Daacish-ta Soomaaliya.
War kasoo baxay Booliska Gobolka Bari ayaa waxaa lagu sheegay in Saraakiisha la qabtay ay kala yihiin Xassan Ibnu Maxamed Ibnu Xussein oo u dhashay dalka Morocco iyo Maxamed Ibnu Maxamed Axmed oo u dhashay dalka Suuriya.
6-dii bilood ugu dambeeyay waxay Ciidanka Booliska Puntland gacanta ku dhigeen Kooxo kala duwan kuwaas oo ka tirsan Daacish iyo Shabaab kadib hawl-galo laga fuliyey Gobolka Bari, kooxaha ayaa u kala dhashay Morocco, Suudaan, Suuriya, Itoobiya iyo Koon-furta Soomaaliya.
Ciidamada amniga ayaa xoojinaya hawl-galada si loo soo afjaro kooxaha khatarta ku ah amniga ayaa lagu soo geba-gabeeyay qoraalka kasoo baxay taliska Ciidamada Booliska Gobolka Bari.
Dhulka Buuraleyda ah ee Gobolka Bari ayaa waxaa ku sugan xubno katirsan Ururka Al-Shabaab iyo Kooxda Daacish, kuwaas oo mararka qaar dagaal la gala ciidamada Puntland.

