Site icon Radio Risaala: Somali News Online

Puntland oo Gaalkacyo ka wada kulamo lagu heshiisiinayo Beelo dagaalamay

Guddoomiyaha Gobolka Mudug ee Puntland, Feysal Sheekh Cali ayaa Xafiiskiisa Ku qaabilay dallada Dhalinyarada iyo Horumarinta Gobolka Mudug waxaa goob joog ka ahaa isuduwaha Wasaarada  Arimaha Guddaha.

Dallada ayaa ka warbixisay shaqada nabadaynta iyo isdhexgalka ee ay muddo kawadeen Guud ahaan Gobolka Gaar ahaan Magaalada Gaalkacyo iyo inay wali ka go’an tahay inay siiwadaan shaqaadaas si naf hurnimo ah.

Guddoomiyaha ayaa ku bogaadiyay shaqada ay kawadaan Gobolka, asagoo u balan qaaday inuu ku garab istaagayo shaqada Nabadaynta iyo is dhexgalka Bulshada, guddoomiyaha ayaa guud ahaan dhalinyarada magaalada kula dardaarmay inay xoojiyaan Nabada ayna Gacmaha isqabsadaan lana qabto shirar Nabada lavu xoojinayo.

Degaano iyo degmooyin katirsan Gobolka Mudug ayaa waxaa dhowr jeer ka dhacay dagaalo u dhaxeeyay laba maleeshiyo Beeleed, iyada oo badi xalinta dagaaladaas ay ku guuleysteen mas’uuliyiinta Mamulka Gobolka Mudug ee Puntland.

Exit mobile version