Site icon Radio Risaala: Somali News Online

Puntland iyo Khaatuma oo laga reebay tartanka Kubadda Cagta Gobolka Banaadir iyo Dowlad Goboleedyada

Wasaaradda Dhalinyarada iyo Cayaaraha Soomaaliya iyo Xiriirka Kubadda Cagta ayaa wadajir u shaaciyey waqtiga rasmiga ah ee la qaban doono tartanka Kubadda Cagta Gobolka Banaadir iyo Maamul Goboleedyada 2023-ka.

Sidoo kale waxaa kullankan lagu shaaciyey tirada kooxaha Rasmiga ah ee tartanka ka qeyb galeysa, waxaana kullankan kasoo qeyb galay Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Xildhibaan Maxamed Barre Maxamuud Gudoomiyaha Xiriirka Ser Kubbadda Cagta Mudane Cali Cabdi Maxamed ” Cali Shiino” iyo Gudoomiyaasha ciyaaraha maamul Goboleedyada.

Ugu horeyn waxaa kullanka lagu shaaciyey in tartanka Kubbadda Cagta Gobolka Banaadir iyo Maamul Goboleedyada si rasmi ah loo qabto 29-ka bishan oo ku beegan maalin jimco ah, iyada oo tartanka lagu ciyaari doono Muqdisho.

Tartanka waxaa ka qeyb galaya kooxaha Gobolka Banaadir, Hirshabelle,  Koonfur Galbeed, Galmudug iyo Jubbaland, waxaana laga reebay Maamulka cusub ee Khaatuma iyo Dowlad Goboleedka Puntland.

Sidoo kale waxaa la kordhiyey tirada ciyaartooyda kooxaha oo markii hore ahayd 22 ciyaartooyda, sanadkan waxaa la dhigay 25 ciyaartooy, waxaana xusid mudan in weli dowladda Soomaaliya aysan sirasmi ah u faah faahin sababta Maamulka cusub ee Khaatuma iyo Puntland looga reebay tartanka.

Exit mobile version