Site icon Radio Risaala: Somali News Online

Puntland & Galmudug oo Shir deg deg ah ka yeelanaya dagaalkii duleedka Gaalkacyo

Maanta oo Isniin ah ayaa waxaa la filayaa inay shir deg deg ah ka yeeshaan laamaha Amniga Puntland iyo Galmudug xiisada la dhalatay dagaal habeen hore deegaanka Teerage ee duleedka Galbeed ee Magaalada Gaalkacyo ka dhacay.

Goobta dagaalka uu ka dhacay ayaa waxaa ku sugan Ciidamo ka tirsan Daraawiishta Puntland,waxaana Guddoomiyaha Gobolka Mudug ee Puntland Axmed Muuse Nuur uu sheegay in Saldhiga ay soo weerareen maleeshiyaad hubeysan oo is aruursaday.

Dadaalo lagu qaboojinayo xiisad ka dhalatay dagaalkaas ayay wadaan labada dhinac ee Galmudug iyo Puntland,waxaana kulankooda Maanta ay uga hadli doonaan sidii xal looga gaari lahaa wixii deegankaas ka dhacay.

Mas’uuliyiinta Heer Gobol iyo laamaha Amniga labada Maamul ayaa ka qeyb galaya Shirka oo lagu qabanayo Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo oo ay maamusho Puntland.

Wararka laga helayo deegaanka Teegare ee Galbeedka Gaalkacyo ayaa waxaa ay sheegayaan in xaaladu ay tahay mid degan,isla markaana Saldhiga ay ku sugan yihiin Ciidamo farabadan oo ka tirsan kuwa Daraawiishta Puntland.

Exit mobile version